Alle ha u naxariistee oday Xaamud Siciid Jaamac ayaa ku geeriyooday rasaas saaka ka dhacday magaalada Carmo ee Gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayn kooban dhex martay marxuum Xaamud iyo ciidanka Booliiska taas oo sababtay geeridiisa.
Is rasaasaynta ayaa bilaabatay kadib markii ciidanka Booliska isku dayeen in ay qabtaan marxuumka oo gaari watay islamarkaana qori sitay.
Taliska Booliska Puntland weli faahfaahin kama bixin dhacdadan uu ku geeriyooday Xaamud Siciid oo kamid ahaa odayaasha deganka Carmo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.