Ha u qaadan in sanduuqyada waraaqaha lagu ridayo loo jeedo, safka iyo kala sugga, daadihinta doorashada daaha furan ay tahay mid siyaasadeed oo ka dhacday Garoowe.
Waa doorasho u dhaxaysa laba arday oo kala hoggaaminayay labo urur/xisbi oo ardaydu isku qaybiyeen. Waxay labada arday u tartamayeen guddoomiyonimada guddiga ardayda dugsiga Nugaal sannad dugsiyeedkan 2023-2024. Habka doorashada, waxaa fursad la siiyay oo doorashadu u furnayd ardayda dugsiga sare dhigta oo dhan, wiilal iyo gabdhaba
(Form1-4). Waxaana lagu xiray shuruudahan: 1) inay horay u lahaayeen khibrad hoggaamin sida horjooge fasal (kaabbe class) 2) inaan wax dambi ah ama dhib ahi (kiisas) ka oolin xafiiska akhlaaqda 3) inay imtixaankii ugu dambeeyay kaga soo gudbeen 70% iyo ka kor. Sidaasna labada arday oo jagada ku tartamayay ku soo baxeen.
Ujeeddada doorashada qaabkan loogu qabtay waxay ahayd inay ardaydu ku bartaan is-doorashada iyo kala guuleysiga caafimaadka qabta (healthy democracy). Sida, inaan la kala caroon oo kan guulaystay iyo kan laga guulaystay wada shaqeeyaan, walaalo is-jecelyihiin, kan laga guuleystayna uu la shaqeeyo ardayga kale ee walaalkiis ah iyagoo u wada adeegi doona oo ka wada shaqayn doona danta ardayda guud ahaan.
Waxaa codeynayay arday tiradoodu ahayd 479 arday oo dugsiga sare dhigta iyo ardayda fasallada 8-daad oo daawanayay doorashada si ay u sii bartaan dimoqraadiyadda iyo is-doorashadu waxay tahay.
Waxaan farriintan uga danleeyahay inaan idinkula wadaago farxadda, walaaltinimada iyo niyad wanaagga ka muuqday ardayda oo dhan kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 15-19 sano. Ma jirin is-qabqabsi, kala xodxodasho ardayda, eexasho, fasal iyo arday u hiillin, heshiisyo hoose, is-gadasho iyo jifaysi toonna. Waxay si dabiici ah u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah!
Haddaba, waxay tani muujinaysaa in siyaasadda dal iyo dadka lagu hoggaamiyo iyo wixii si wanaagsan loo qabtaaba ay nolosha fudud yihiin haddii laga fogaado musuq-maasuqa ka dhasha hanti-boob, eex, danaysi, naf-jeclaysi iyo shakhsi magac doon ah oo is-caashaqa!
Marka, su’aalaha ay tahay inaynnu is-weydiinno waxaa weeye maxay dadka qaan-gaarka ahi iyo ciddii xil-doon ahiba u garan la’yihiin waxa ardaydaasi garteen? Waa maxay shuruudaha lagu xiro qofkii xil-doon ah? Casharse ma ka baran karnaa ardaydan iyo da’yarta kale oo la midka ah oo weli damiirkooda iyo caqliyaddoodu fayowyihiin si dalkeenna iyo dadkiisu u badbaadaan una horumaraan?
W/Q: Ruqia M. Farah
You must be logged in to post a comment.