Ciidanka Xasilinta SSC-Khaatumo ayaa hawlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay magaalada Laascaanood.
Ciidanka ayaa hawlgalkooda ku qabtay shakhsiyaad ku eedaysan in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC.
Saraakiisha Ciidanka Xasilinta ayaa tilmaamay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono shakhsiyaadka ay ku soo qabteen hawlgalladan si sharciga loo mariyo.
Ciidanka ayaa sidoo kale maalmahan qoryaha ka xereeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.