Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo dil ku xukuntay xubno loo haysto Shabaabnimo

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay laba xubnood oo loo haysto Shabaabnimo.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen Argagixisada AS.

Labada xubnood ayaa kamid ahaa  Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay horay Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ugu xukuntay dil toogasho ah waxaase ay Rafcaan u qaateen Maxkamadda sare ee Ciidamada taas oo ugu danbayn ku raacday Xukunka.

PUNTLAND POST