Faahfaahinta laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb

Laba qarax oo baabuur ayaa saaka aroortii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay waddo aada garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, halka kan labaad uu ka dhacay meel u dhow bar kontorool.

Wararka ayaa sheegaya in labada qarax la fashiliyay ka hor inta aysan gelin gudaha Dhuusamareeb halkaas oo uu yoolkooda ahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay hayeen xogta gawaaridaas waxaa ayna ku guulaysteen in labada gaariba ku fashiliyaan bannaanka magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa muddo laba bilood ku dhow ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka AS.

PUNTLAND POST