Azerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore gobolka Nagorno-Karabakh

Ciidamada amniga ee Azerbaijan ayaa Arbacadii sheegay inay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh, xilli uu isku dayayey inuu u baxsado dhinaca Armenia.

Tallaabadan ayaa ku soo aadday, iyada oo milateriga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolkaas, ka dib markii ay gacan-ku hayntiisana kala wareegeen kooxaha ka soo jeeda qowmiyadda Armenia.

Ciidamada xuduudda ilaaliya ee Azerbaijan ayaa si rasmi ah u shaaciyey xariga Ruben Vardanyan, iyaga oo doonaya inay muujiyaan sida xukuumadda Azarbaijan ay gacanta ugu hayso gobolka Nagorno-Karabakh.

Hoggaamiyahan ayaa loosoo duuliyey dhinacaas iyo caasimadda Baku, halkaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ka go’aan gaari doonaan wixii laga yeelayo.

PUNTLAND POST