Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca ah

Maraykanka iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca ah, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta difaaca labada dal.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo la dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu uga mahadcelinayo Kenya hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.

Sidoo kale, wuxuu ku sheegay in ay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka sidii loo ansixin lahaa lacag dhan illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

PUNTLAND POST