
Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti.
Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan.
Maraykanka ayaa hore cabasho uga muujiyay ciidamada Shiinaha ee ku sugan saldhiga dalka Jabuuti kadib markii uu ka dareemay khatar amni.
Sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.