
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulan kula leh magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.
Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka.
Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah al-Shabaab.
Jeneraal Austin ayaaa saacadihii hore ee saaka gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu sheegay inuu kula kulmayo madaxda waddankaasi iyo saraakiisha gaashaandhigga.
Xigasho: VOA Somali
You must be logged in to post a comment.