Wararkii u danbeeyay ee khasaaraha ka dhashay qarax weyn oo ka dhacay Beledweyne

Ugu yaraan 20 qof oo rayid u badan aa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaariga xamuulka ah lagu beegsaday Goob bar kantarool iyo maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee Beledweyne.

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay.

PUNTLAND POST