
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa warbixin rasmi ah ka soo saartay heerka uu marayo barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya.
Hay’adda ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii barnaamijka deyn-Cafinta.
IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay sii waddo xoojinta hay’adaha dhaqaalaha, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha loo dhan yahay.
Warbixinta ayaa tilmaantay in taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ay lama huraan u tahay dadaallada deyn cafinta Soomaaliya.
Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa soo dhaweeyay warbixinta hay’adda IMF ka soo saartay barnaamijka deyn cafinta dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.