
Colaad beeleedyo kala duwan oo ka aloosan degaanno ka tirsan Somaliland ayaa saamayn taban ku yeeshay ciidamada maamulkaas.
Dagaallada beelaha ee ka taagan Ceel-afweyn iyo Cali Saahid ayaa sida wararku sheegayaan saameeyay ciidamadii jabay ee Somaliland oo ku sugan duleedka Oog.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Oog ay bilaabeen in ay qaarkood u goostaan degaannada lagu dagaallamayo si ay u difaacaan beelahooda.
Tan ayaa ka dhigan in colaadda beelaha ee gudaha Somaliland ay sii kala qeybisay ciidamadii ku jabay Gooja-cadde oo horaba uu dhex yaallay kala shaki uu sababay jabkaas ciidan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.