Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Go’aan laga soo saaray Buugta taariikhda ee Dugsiyada sare ee Puntland oo ay ku jiraan qaladaadka Dastuuriga ah, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Ciyaaraha Gobolada Puntland.
Golaha Wasiirada kadib markii uu dood ka yeeshay qaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugaagta Taariikhda ee Manhajka Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:-
1: In Buugtii lasoo xareeyo Form 4ka gaar ahaan Maadaada Taariikhda dibna aan loo dhigi karin.
2: In heshiiskii Shirkada Daabacday Manhajka la joojiyey gabi ahaanba.
3: in Xeer ilaalintu baadhitaan deg deg ah sameyso si sharciga loo horkeeno cidii Denbiga gashay.
Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ayaa Kulanka looga hadlay, Goluhu wuxuu boggaadiyay sida wanaagsan ee ay u socdaan Dhismaha Goleyaasha deegaanka oo Hadda la dhisay kala bar 30-kii degmo ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ka dhaceen.
Ugu danbeyn waxaa Golaha Wasiirada la horkeenay Koobkii Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland oo ay kusoo guuleysteen xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Nugaal.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay xulka Nugaal iyo Gobolkii martigeliyay Koobka ee Mudug, isagoo casumaad rasmiya u fidiyey iyo kulan inta ka balaaran xulka Nugaal dhammaan Ciyaartooda, Guddiga la shaqeynayey iyo Masuuliyiintooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.