Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka oo qabanaya fadhi ku saabsan xilka qaadista Joe Biden

Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda qabtaan fadhigii ugu horreeyey ee lagaga hadlayo, xil ka qaadista madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Maadaama ay haystan aqlabiyad aad u yar, waa arrin aad u adag inay meel mariyaan xubnaha xisbiga Jamhuurigu, mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Biden, kaas oo haddii ayba ansixiyaan ay maxkamadayntiisu ka dhacayso aqalka sare ee Senate-ka.

Guddida Kormeerka ee aqalka wakiillada ayaa la filayaa inay Khamiista dambe lafaguraan eedaha loo jeediyey Biden ee ku aaddan, inuu si khaldan u adeegsaday xilkiisa, xilligii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, isaga oo taageero u fidiyey ganacsiyada shisheeye ee wiilkiisa Hunter uu ku lug lahaa.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey Biden, inuu u adeegsaday xafiiskiisa inuu xidhiidhiyo dedaaladaas iyo inuu ka ilaaliyo wiilkiisa in baadhitaan lagu sameeyo.

Guddiyo kala duwan oo ay hoggaamiyaan xisbiga Jamhuuriga ayaa muddo bilo ah, waxay siyaabo kala duwan u baadheen eedahaas, hase ahaatee may celin caddaymo ku filan oo taageeraya sheegashooyinkooda.

PUNTLAND POST