Morocco oo $11.6 bilyan ku bixinaysa dib u dhiska goobihii ku burburay dhul-gariirka

Boqorka dalka Morocco, Mohammed VI ayaa sheegay in dalkiisa uu 11.6 bilyan oo dollar ku bixin doono dib u dhiska goobihii burburay , kaddib dhulgariirkii dhacay 8-dii bishan September.

Sida laga soo xigtay hoggaamiyaha lacagta ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu caawiyo in ka badan 4.2 milyan oo qof oo ku nool gobolada uu sida ba’an u saameeyay dhulgariirka.

Dadka ku guryo beelay ayaa la filayaa in loo dhiso guryo cusub, kaabayaasha ku burburay musiibada ayaa sidoo kale la filayaa in wax ka bedel lagu sameeyo muddo ka badan shan sanno.

In ka badan 2,900 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 6.8 magnitude, halka in ka badan shan kun oo kalena la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST