Paul Kagame oo xaqiijiyay in uu mar kale u tartanayo xilka madaxweynaha Rwanda

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa xaqiijiyay inuu mar kale u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalkaasi doorashada guud ee sannadka soo socda.

Madaxweyne Kagame oo ay wareysatay majaladda ka soo baxda dalka Faransiiska ee Jeune Afrique ayaa sheegay in uu ka mid yahay musharixiinta u tartami doona doorashada.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay reer Rwanda u aaminsan yihiin.

Bishii Abriil , Madaxweyne Kagame wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu ka fariisto saaxada siyaasadda ka dib markii uu xilka hayay 23 sanno.

Kagame waxa uu hoggaaminayay dalka Bariga Afrika tan iyo sannadkii 2000.

PUNTLAND POST