Garoowe: Nabaddoon Cabdi Hodon Maxamuud Shirwac oo maanta lagu caleema-saaray degaanka 22-aad

Degaanka 22-aad ee duleedka bari ee magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad dhaqameed ballaaran oo lagu caleema-saaray nabaddoon cusub.

Munaasabadda ayaa lagu caleema-saaray nabaddoonka cusub ee beesha Maxamed Muuse ee Axmed Khayr (Ciise Maxamuud), nabaddoon Cabdi Hodon Maxamuud Shirwac oo ku soo biiray bahda dhaqanka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland, bahda dhaqanka oo ay hoggaaminayaan islaan Ciise islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo sidoo kale  marti sharaf ballaaran.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo bahdii dhaqanka ee ka qayb-galay caleema-saarka nabaddoonka, oo ay u horreeyaan isimada ayaa dhammaantood soo dhaweeyay nabaddoonka cusub, waxaana ay ilaahay uga baryeen in uu u ku asturo xilka loo igmaday.

Halkaan ka eeg sawirada munaasabadda

PUNTLAND POST