
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa maleeshiyaadka AS kala wareegay degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn iyo Qaycad oo ka tirsan Gobolka Mudug sida ay saaka sheegtay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in ciidamadu gacanta ku dhigeen Bacaadweyn iyo Qaycad.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka AS isaga baxeen magaalada Camaraa iyo dhammaan dhulka u dhexeeya Qodqod iyo Camaara.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.