Guddiga doorashooyinka TPEC oo go’aan ka soo saaray khilaaf hareeyay xisbiga shaqaaalaha Puntland

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aan ka soo saaray dacwad la xiriirta cidda rasmiga u ah guddoomiyaha xisbiga shaqaalaha ee Puntland.

Guddiga doorashooyinka ayaa go’aamiyay in guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga shaqaalaha uu yahay Cabdirashiid Shiikh Maxamuud.

“Guddiga waxaa 10-09-2023 soo gaaray dacwad ay u soo gudbiyeen Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha” ayaa lagu yiri war ka soo baxay TPEC.

“Qiimayn Guddigu ku sameeyay dacwadaas wuxuu go’aan ku gaaray in Xisbiga Shaqaalaha Gudoomiyahiisa rasmiga u yahay Cabdirashiid Shiikh Maxamuud” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa sheegay in go’aankiisu yahay mid ku qotoma Xeerarka Doorashooyinka Puntland iyo Xeerka Xisbiga Shagaalaha.

PUNTLAND POST