Dab xooggan saaka qabsaday degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa saaka oo Khamiis ah ka kacay  degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Dabka oo aan weli la xaqiijin waxa sababay ayaa sida wararku sheegayaan ku sii fidaya degaankaas oo caan ku ah qodashada macdanta.

Goob-joogayaal ku sugan Milxo ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda la demin la’ yahay dabka islamarkaana aysan helin gurmad ku filan demintiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaare baaxad leh uu ka dhashay kaas oo marba marka ka danbaysa sii kordhaya.

PUNTLAND POST