
Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba hakisay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC ee dhawaan la ansixiyay.
Go’aan ka soo baxday maxkamadda sare ayaa lagu hakiyay xubinimada Faadumo Siciid Axmed oo kamid ah guddiga PEC kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Puntland.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay soo gaartay dacwad ku saabsan in xubinnimada Faadumo Siciid aan loo marin habraacii sharciga ahaa ee magacaabista xubnaha guddiga PEC.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.