Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda AlShabaab.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale ku geeriyooday qarax miino oo ku qabsaday gaari ay wateen deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.
Qaraxan oo ahaa Miino ayaa qabsatay gaari ay wateen xildhibaan Hon Mohamed Mohamud iyo xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo kala ah mudane ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabadda, Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka Dhusamareeb ay ka geeriyoodeen labada marxuum.
PUNTLAND POST