Dabley hubaysan oo xalay nin dhaqtar ah ku dilay magaalada Gaalkacyo

Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay Alle ha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatiirta magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu toogtay gudaha xarun caafimaad oo uu ka hawlgalyay islamarkaana ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilkiisa fulisay.

Laamah amniga Puntland ee Gobolka Mudug weli kama hadlin dhacdadan dilka ah oo lala xiriirinayo aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday Gobolkaas.

Ururka ay ku midaysan yihiin dhaqaatiirta Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa sidoo kale laamaha amniga ka dalbaday in si deg deg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka danbaysay dilkiisa.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug ayaa saamayn ku yeeshay amniga iyo xasiloonida degaanka.

PUNTLAND POST