Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Maraykanka

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda.

Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda.

Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022.

Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka.

Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST