Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.