Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka wada-hadlay Arrimaha Qaxootiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa Maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed Marwo Safiyo Maxamed Xasan iyo wefdi  ay hoogaaminayso.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed,  xaaladda guud ee qaxootiga, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool degaanada Puntland, isla eegista shuruucda iyo siyaasadaha Qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed la wadaagtay xogta guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool deegaanada Puntland, guulaha laga gaaray barnaamijyada wax looga qabanayo dadkaas nolashooda iyo caqabadaha hortaagan.

Ugu damayntii Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga Soomaaliyeed Marwo Safiyo Maxamed Xasan imaanshiyaheeda Puntland iyo u kuur gelidda xaaladda nolaleed ee barakacayaasha iyo Qaxootiga ku sugan guud ahaan Puntland.

PUNTLAND POST