Duqayn culus oo ka dhacday degaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa lagu burburiyay saldhiggii maleeshiyada Alshabaab ee degaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug sida uu xaqiijiyay Maxameddeeq Yuusuf Kulmiye oo ah guddoomiyaha Xarardheere.

Saldhiggan oo lagu magacaabo xarunta xerta Sheekh Maxamed ayaa la sheegay in ay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal oo badan, isla markaana isku aruursanayeen dagaalyahannaada kooxda Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay weerarka saldhiggan.

Ma jiro war madax-banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha duqeyntan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka saacida dhinaca hawada aysan weli xaqiijin duqeynta.

PUNTLAND POST