(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)
Dhallin-yarrada waa inay xiriir iyo xafiisyo isku xira ay yeeshaan, talo ay dadkooda ku mideeyaan iyo mideysan oo dalkooda ku wada difaacaan waa inay yeeshaan!
Bal waa is weydiinee, dhallin-yarooy yaad dalkaaga ku halaynaysaa?! Yaad dadkaaaga iyo naftaadaba ku halaynaysaa?! Adiga naftaada intaadan cid kale xasuusan yaad ku halaysay?! Ma madaxweyne?!… Ma ra’iisal wasaare, wasiir, dowlad?! Madaxda maamul goboleeddada?! Hay-Haata, Hay-Haata!…Wali arrintu wax ka qabasho ayeey leedahay waqtigana ku sugi maayo, nimankaas dhaqankooda siyaasadeed ma aha mid uu bini aadanku fahmi karo waxaase si kooban loogu macnayn karaa oo keliya inay isu haystaan inaysan waligood dhimanayn!… Kenya ayaa gidaar iska dhisatay, oo dad badan inta xadkii ka soo gudubtay guryahoodii ka dumisay oo dhulkeedii ku darsatay, wali dowladda iyo siyaasi iyo qof mas’uul ah marna kama hadalin, xataa golihii shacabka iyo kulummada baarlamanka marna laguma soo qaadin!…Dhammaan gobollada Itoobiyaan baa ku soo qulqulaya baarlamaanka kama hadlo xataa xukuumadda wax kama weyddiiyo, xukuumaddana iskaba dhaaf!… mise waxaas oo dhan waxaan u qaadannaa inay gaajo ku qasabtay, inay nolol doon yihiin…inay… dalalka deriska ah siyaasad kasta oo Soomaaliya ku aaddan talo ahaan inteeda badan waa ku mideysanyihiin.
Dhallin-yarradu kaalinteedii maantay taagantahay, waxayna u baahantahay inay yeelato talo Soomaalinimo oo hankoodu uu ka saro maro sida ay u fekerayaan siyaasiyiinta la keensaday, xataa haddii aan qaarkood la keensan…waa inaad wax ka barataa waayihii dhallin-yarradii Soomaaliyeed ee u soo halgamay gobanimmada dalka. Waxaad ka fekertaa inaan adigoo nool si doqonimo ah iyo caga jugleyn doqon guumeyste ah uu dalkaaga u qabsan, waxaad ka fekertaa inaad raadiso dhallin-yarrada Soomaaliyeed oo aad ka shaqeyso xiriir ay wada yeeshaan. Ma ogtahay markii SYL ay dhismeysay in dhallinyarada qaarkeed ay ka yimmadeen gobollad dhexe iyagoo aysan is aqoon dhallin yarradii dhaqdhaqaaqa ka wadday Muqdisho. Waxa isu keenay waxay ahayd aragtidooda oo gaarsiisaneyd in sida dadkooda iyo dalkooda ugu badbaadi karo ay tahay inay dowlad noqdaan, inay qayb ka noqdaan halganka waayadaas Afrika ka wada bilowday.
Markii u horeysay waxaa xiriirkii u horeeyay uu dhex maray Yaasiin Cusmaan, Xaaji Max’ed Xuseen, iyo Cabdulqaadir SHiikh Sakhaawe-Diin, waxayna ku guuleysteen inay diyaariyaan fikir siyaasadeed oo ah sidii dalka guumeysiga looga xoreyn lahaa, dhinaca kale waxay wadeen faafinta fikirkaas iyo in ay ku soo biiraan dhallin yaro badan. Waxaa adkeyd in kulan ay isugu yimaadaan, ama ay dadku shirar qabsadaan oo Talyaanigu wuxuu diidanaa ama uu ka cabsanayay in dalka ay ka dhismaan ama uu sameysmo wax un urur siyaasadeed ah oo Soomaali leedahay. Waxaa yaab lah qiimaha qofka Soomaaliga ah, dhallin-yaro aan is wada aqoon, oo meelo kala duwan isaga timid oo ku heshiiyay xaalada halgan qaraar oo dadkooda ay ku xoreynayaan iyadoo aan midkoodna looga cabsaneyn inuu sirta bixiyo, inuu khayaano midka kale, inuu been u sheego midba midka kale!….Ammaano aad u culus!…
Waxaa adkeyd in shirar siyaasadeed la qabto, waxaase dalka ka furnaa naadiyo (Clubs) ay jaaliyado kala duwan leeyihiin sida; Yemen Club, Indian Club iyo kuwo kale, markaa dhallin yaradii Soomaaliyeed wuxuu guumeystihii Talyaaniga ka oggolaaday inay furtaan Somali Youth Club (Naadiga Dhallin-yarada Soomaaliyeed) waana magacii u horeeyay ee lagu aasaasay ururka SYL 1943kii, bishii May 15dii. Ururkana muddo 4 sano ah ayuu ku shaqeynayay magacaas SYC ilaa laga soo gaaray 1947dii, waxaana mucjiso ku ahayd guumeystaha Talyaaniga inuu SYL ogaado iyadoo dhisma ahaan dhameys tiran oo gaarsiisan heer ay meelo badan xafiisyo ku leedahay sida gobolka Harar oo sanadkii 1946kii uu ururka xafiis ka furtay.
Waxyaabaha uusan guumeysiga fahmi kareyn waxaa ka mid ahaa in dadka Soomaalida ay u awoodi karaan inay lacago iska ururiyaan, ama qaaraan isu keeni karaan, macnaha kuma uusan fekereyn inay dhaqaale uu ururka isku maamulo awood u leeyihiin inay isu keenaan… Waxaa kale oo uusan Talyaanigu ogeyn in askarta Soomaalida ah ee isaga u qoran ay mushaarkooda qayb ka mid ah ku caawiyaan ururka SYL… waxaa intaas oo dhan ka darnaa in haweenka ay u iibin jireen dahabkooda si uu ururku u helo dhaqaalaha uu u baahnyahay. Markii ururuka uu soo shaac baxayna waxaa ku soo jabay oo aad u soo galay dhallin-yaradii Soomaaliyeed inteedii badneyd. Waxaa xusid mudan inay ururka si ay farriintooda u gaarsiiyaan dalka ay jireen xubno dhallin-yara ah oo naftood hurayaal ah oo u kala socdaal jiray daafaha dalka!…
Xubnaha dalka ku wareega waxay ururka uga dhignaayeen sidii warbaahin oo kale, waxayna ka hor tegi jireen wararka beenta ah ee laga faafiyo ururka, waxayna qaban jireen iyagoo fidinaya halganka gobonimo doonka. Waxaa iyadan xusid mudan in guumeystuhu uu siyaabo badan isugu dayay inuu ku burburiyo ururka SYL, hadday tahay dhaqaale, hadday tahay dad uu ka xiro, iyo haddii ay tahay inuu u soo adeegsadao dad wax ma garata ah ama dano kale leh oo Soomaaliyeed, hasa yeeshee waxaas oo dhan waxaa is hor taagay awood ah dareenka iyo jacaylka dowladnimmada iyo guumeysi nacaybka dadka Soomaaliyeed.
Damiirka iyo cabsi la’aantii dhallin-yaradii hore, waxay u baahantahay in wax badan looga daydo, tusaale ahaan waa in la bilaabo xafiisyo xiriiriya dhallinta dalka, waa in la helaa kulano iyo talooyin dhax mara dhallin-yarrada xilliga adag ee cadowgu si baahsan dalkii isugu fidiyay, waa in la helaa dhallin-yaro ay ka daacad tahay ama ay ka go’antahay in ammaannada ay ku soo simmeen halgamayaashii gobanimmada ay iyagana ku simmaan jiilka ka dambeeya, waa in la helaa dhallin-yaro isku xirta guud ahaan dhallin-yarada dalka oo ka shaqeeya sidii loo heli lahaa qorshe siyaasadeed oo dadka iyo dalka iyadoo Soomaali la wada yahay si wada jir ah loogu difaaci lahaa, laga fekeraa sidii Itoobiyaanka soo galaya dalka oo xudduudaha ka soo tallaabaya loo joojin lahaa waliba si degdeg ah!…. talo sii maamulka iyo madaxda in xeryo loogu sameeyo Itoobiyaanka lana wareysto si dalkooda loogu celiyo iyadoo la kaashanayo hay’adaha qaxootiga caawiya…Dhiiri geli inaadan la soo dhoweyn, shaqo la siin, addegyada bulshada lagu bixin ama aan wax laga siin dad ku soo xad gudbay xudduudaha dalka iyagoo waliba aysan jirin sabab loo qaateen ah oo ku qasabtay…..
DHammaad
You must be logged in to post a comment.