
Mas’uuliyiin u dhashay SSC-khaatumo oo xilal ka hayay Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan ka baxsaday degaannada Somaliland.
Mas’uuyiyiinta oo ay ku jiraan kuwa xilal sare haya ayaa u baxsaday dhinaca dowlad degaanka Soomaalida DDS kadib markii ay cabsi ka soo wahday dadkii ay la noolaayeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in magaalooyinka Somaliland laga soo weriyay dhacdooyin beegsi ah oo ka dhan ah dadka u dhashay ama la haybta ah SSC.
Dhacdooyinkan ayaa imaana xilli ay shacabka Somaliland ka gadoodsan yihiin jabkii iyo khasaarihii ciidamadooda kaga dhacay Hawlgalkii hubka dhigista ee lagu furtay Taliskii Gooja-cadde.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.