(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)
Doqonimmadu waxay ku fiicnaan lahayd in loo dhinto!
Marna ha ka shakiyin Itoobiyaanka xudduudda dalka ka soo talaabay waxay ku socdaan qorshe waligiisba cadowga Soomaaliya uu soo waday ama uu falkinayay laakiin marna u fuli waayay!…. SHeekadu waa ka weyntahay waxa aad maqleysaan; waa tahriib, waa masaakiin, waa nolol doon, waa walaalaheen! Waa hadalo run ahaantii u ek dacaayad ay fidiyeen sir-doonka Itoobiya iyo dalalka kale ee daba taagan… ka feker, dhab ugu fiirso, Orommada yaacaysa dhibaato kama soo baxsan, illaa xilligii Xayle Salaase Oromo dagaag bay ahayd, weligeedna sidaan oo kale oodda uma soo jabsan, weligoodna taariikhda Itoobiya maanta waqti ay ka fiicanyihiin sooma marin, iyagaa dalkii madax ka ah, guud ahaan dalkii waa federaal, gobollada iyagaa is maamula marka laga reeba gobolka Soomaaliyeed, marka ma jirto sabab keeneysa inay soo yaacaan, dabeecad ahaana dhaqankooda ma aha midka reer guuraaga in yar mooyee!… waa caddahay oo dalka dagaalo ayaa ka jira, laakiin dalka Soomaaliya waxay u soo aadeen ma aha si naftooda nabad gelyo ugu helaan, oo Soomaaliya iyadii baan deggeneyn, ma aha inay tahay dal dhaqaale buuran oo nolol middii ay ka soo carareen uga sed roon ay taal, ma aha dal ay joogaan hay’ado dowli ah oo dadka qaxootiga ah caawiya ama ay xafiis ku leeyihiin, iyo ugu dambeyntii ma aha dal ay Itoobiyaanka ka dhigan karaan meesha koowaad oo ay u qaxaan iyagoo cadow ama dhibaato kale ka cararaya, sida aysan dadkeennaba markii ay dagaallada ka qarxeen 1991kii aysan u aadin Itoobiya oo ay ugu qaxeen Kenya, maxaa yeelay cadaawadda ina dhex taal baaxaddeeda bay ogyihiin, taasi waxay ku tuseysaa inaysan arrintu ahayn nolol raadin, miskiinimo, iyo waxyaabaha caqli yarida ah ee ay dadku isku qancinayaan ama isugu sheekeyniyaan!…ama ay dhegaha dadka ugu shubayaan Sir-Doonka Itoobiya iyo inta uu ku adeegto.
Maxaa caruurta iyo bukaanka iyo inta tabar daran looga soo tagay?!…Maxaa dhallin-yarada xoogga ah keliya soo soocay?! Weyddiinta intaas oo dhan ka haboon waxay tahay maxay hay’adaha sheegta inay caawiyaan; qaxootiga dadkooda ka soo baxsaday ee dhibaatada uga soo cararay ay u soo aadi waayeen oo marna wax gacan ah ugu fidin waayeen?! Ma waxaad is leedahay ma ay oga?! Haddii aysan ogeyn maxay dowlad goboleeddada u weydiisan waayeen in dadkaa xeryo loo sameeyo oo la diiwaan geliyo?! Mase kuma dhacaan baad leedahay?! Haddii ay sidaas tahay adigaa xilka ugu weyn ku saaranyahay oo dalkii xooggiisii iyo caqligiisii ah oo dhallin-yarradiisii ah maxaad talo uga yeelan waysay?!… War dalku waa gurigaagii, waa meeshii uu Alle kugu beeray….”Dalkiinii Aada“ wax dhibaal ma aha!….
Wali taladu gacanta kama bixin! Wali arrintu wax ka qabasho ayeey leedahay, laakiin daqiiqada saacadda ninna u joogsan maayaan oo cidina ma sugayaan, dhallin-yarrada Soomaaliyeed waa inay ka baxaan xayndaabka ama edegta yar ee ay ku kala qoqobanyihiin muddada soddomeeyada sano ah!…dhallin-yaradu miyeysan dareemeyn ceeb marka subaxdii intay soo toosaan oo canjeero ka soo dherggaan sideey gidaar u taaganyihiin haddana guryaha qado u aadaan!… Waa Af-Kala-Hays iyo Amakaag! Waxaan mararka qaarkood nafteyda weyddiiyaa, aaway sharaftii dadnimo?! Qof iska nool ma wax dhici karaa?! Qof iska nool oo aan marna talo ku dhalaneyn, miyeey dhici kartaa?!….oo waliba dhallin-yaro ah ma dhici kareysaa?!
Dhallin-yarrada, Soomaaliyeed weligeed dhaqanka lagu yaqiinay wuxuu ahaa firfircoonaan, iyo talo curin, hasa yeeshee sida hadda xaalku yahay ma aha sidii looga bartay. Waxa dalkii ka dhacaya, siyaasiyiin wada khaa’inul-wadhan ah, shisheeye dalkii iska soo galay oo qaynuun iyo wax uu dhowrayo aysan jirin, dal la heysto oo cadowgu soo buux dhaafshay, sidee dhallin-yarradiisu u haasawdaa?! Sidee habeenkii hurdo uga timaaddaa?!…
Marka aan fiiriyo xaalka dhallin-yarrada Soomaaliyeed sida uu yahay, sida dareenka iyo fikirku badankood uga maqanyahay, waxaa igu soo dhacda tixdii Soomaalidu wada taqaanay ee Alle ha u naxariistee uu Faarax-Sooyaan Jaamac, oo ka mid ahaa ciidammadii daraawiishta uu u tiriyay wiil uu dhalay oo ahayd:
Wiil labiyo toban jiray hadduu, lali ahaan waayo,
Marti leylka timi hadduu, luun ka bi’in waayo,
Looyaanka dirireed hadduu, luuf ka kicin waayo,
Raganimo luddii kuma jirtee, liicyee bal ogaada!
Dhallin-yarradu guryaha ha ka soo baxdo, deegaan kasta waa inuu suuro geliyo xiriirka deegaanka la deriska ah. Intaan garanayo ama xasuusnahay dhismihii SYL wuxuu ku bilowday fikir iyo dhallin-yarrada Soomaaliyeed inay garteen xuquuqda ka maqan oo ahayd gobanimo iyo dowladnimo ay aayahooda uga tashadaan, iyagoo arkay in talada aayahooda ay ku jirto gacan shisheeye, middas waxay horseeday in meel kasta oo ay joogtay dhallin-yarrada uu ka bilowdo fikir gobanimo doon iyo gumeysi nacayb, waxaana markiiba is-garaacay wadnihii geesinimmadu degtay oo xummaantii ka dhiidhiyay! Wadnihii dhiigiisu ku baxaday oo lagu waraabiyay dhiiggiisa!….Wadnaha Soomaaliga, ee aan qaadan dulmiga, ee dhimashada teeda sharafta badan ee dadkiisa iyo diintiis uu ku difaacayo oggol inuu dhinto!…Wadnihii halgammayaashii diiday inay ku hoos noolaadaan talo cadow dalkooda xoog ku heysta…Axmed Ibraahim Gureey, Maxamed Cabdulle Xasan, ilaa SYL ilaa iyo Soomaali Galbeed.
Sharafta halganka waa mid aan la iibsan karin, waa mid qof kasta aqoonsanyahay mudnaanteed, waxaa xasuusnahay sida aan u xiiseynayay ama ugu farxayay marka aan la kulmo xubnihii SYL ee aan soo gaaray, waxaan tilmaami karaa inay dhammaantood ahaayeen dad is hufa, xarragada jecel, dadka u jajaban, dowladna aan wax ku qabin, haddii ay wax siisayna inta aan ka ogahay ay ahayd lacag gunno ah, ama wax mushaar lagu sheego laakiin aan badneyn!…mid kasta oo aad la sheekeysato wuxuu ku faraxsanaa ama deeqeysay gobanimmada ay dadkiisa haystaan iyo dowladnimmada oo uu garanayay wixii laga soo maray, waxay fikir ahaan isku raacsanaayeen ereyo kala duwanba ha ku cabbiraanee inaan guumeystihii Itoobiya wali quusan isagoo isku haleynaya guumeystihii markii horaba ugu hiiliyay qabsashada gobolka Soomaaliyeed ee wali uu guumeysto!…
La Soco Beri
You must be logged in to post a comment.