(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)
Wax badan oo dhallin-yarrada Soomaaliyeed ahaayeen, xaggee bay inanga mareen?!
Odeygii guriga lahaa iyo miskiinkii waa ay is af garteen, waxaana laysku gacan qaaday si farxad ku jirto, isla mar ahaantiina odaygii reerka gacanta haysta Miskiinkii ayaa tusay qol yar oo irriddiisu banaanka ahayd oo inta u furay ku yiri “ Qolkaan yarka ah waxaa yaala dhammaan agabka wax lagu nadiifiyo, maalin kasta waad imaanaysaa qolkaas baad xaaqinka, saabuunta iyo wax kasta oo aad ku shaqeyneyso kala baxaysaa…” Lacagtii uu ku shaqayn lahaa baa lagu heshiiyay, isagana maalintii xigtay buu bilaabay inuu gurigii adeege ka noqdo cuntadana ka cuno, waxaana arrad bax ugu filnaaday in mar kasta oo uu dhar dhaqo surwaal ama shaar, wax un ka mid ah dharka odeyga la siiyo iyadoo la leeyahay; kan waa duug, kan odeyga waa ku dhegganyahay, kan…. Cunto iyo Arradbax! Xoogaaga uu reerka ka qaato dhigaal bay noqdeen.. Muddo gaaban markii uu joogay buu odeygii u yimid oo yiri “Waxaan jeclaanlahaa in la ii oggolaado inaan iska dhex seexdo qolka yar ee xaaqimmadu yaalaan.” odaygii baa yrir “ii sug xaaskaygaan la soo tashanee.” Xaaskii baa si niyad sami ah u tiri “War iska dhaaf haddii uu ka helayo meel uu dhinaca dhigo waa miskiinee, waad aragtay waa nin wanaagsan oo muslim ah, aadaab badan, oo waliba xoog furan!” sidii baa loogu oggolaaday inuu qolkii seexdo, muddo gaaban buu wuxuu ku urursaday lacag, wuxuuna qolkii yaraa hor dhigtay jawaan uu ku iibiyo waxyaabo yar-yar oo aan badnayn, dadka ugu badan ee ka iibasadana waxay ahaayeen reerkii uu gurigooda ka adeegayay! Odeygu waa yaabbanyahay, dhowr jeerna dareen baa taabtay! Wuxuu marar iskula hadlay miskiinku inuusan ahayn nin fiican!…haddana tuhunkaas xaqiiq uu salka ku haya ma arkin! Dabeecad jajabsanaan ah oo xad dhaaf ah, ma ka daacad baa mise?! Laakiin islaanta iyo ilmaha markuu ku soo hadal qaado isagoo aan waxba sheeginba waxay kula soo baadayaan oo ku oranayaan “Waa miskiin! Ma cid buu dhib ku hayaa?! Waa nin edeb badan!”
Muddo gaaban gudahood, weli isagoo reerkii sidii ugu shaqeeynaya, qolkii yaraana seexda, cuntadana ka cuna, dharkii odeygana ku arrad baxa, wuxuu samaystay miis weyn, alaabtii uu gadayeyna aad bay u badatay, laakiin wali indhaha reerka iyo deriskaba waxay u arkaan miskiin adeege ah!… Waa miskiinkii!..Waa Adeegihii!…Hadana waqti yar ka dib buu wuxuu u yimid ninkii guriga lahaa, markaas buu ku yiri “Maxaan sameeyaa?! Waad aragtaa wallaahay alaabtii waa badatay! Waxaan jeclaan lahaa qolka yar in layga ijaaro oo aan ka dhigto meel aan alaabta ku iibsado” Ninkii guriga lahaa sidii oo kale xaaskiisii buu u tegay oo arrintii u sheegay “Ninkii miskiinka ahaa maant wuxuu gaaray inuu yiraahdi qolkii yaraa iga kiree!…Ninkani malahayga waa Jin! Oo innagii buu inanga mid noqday!” wali ilaa xilligaas odaygu marna kama hadlin inuu ninku wax tabcaday iyo in kale! Xaaskii oo sida muuqata aad ula dhacsan adeegaha, naxariis faro badanna u heysa, “Adigu ninkaa miskiinka ah ma aqaan waxaad ugu kacsantahay! Ma jeclid, waad aragtay oo intaas gacantuu kaa dhunkanayaa, aniga kor iima soo fiiriyo oo waad ogtahay markuu ila hadlayo waxaan HOOYO ahayn ima yiraahdo! Marka anigu kumaba dhaheen ka kiree, oo muxuu haystaa oo uu heli karaa?! Nololba gurigeenaa ugu horeysayee! Waa ninkaa wali cuntada reereebka ah ee innaga soo harta ku nool! Hadduu wax heysto muu dhulkaa Alle aado…”sidii baa qolkii looga kireeyay, muddo ka dib xoolihii baa batay qolkii baa hadana ku yaraaday markaasuu u yimid ninkii guriga lahaa oo sidii caadadiisa ahayd gacantii ka dhunkaday oo ku yiri “Maanta qorshe weyn baa la socdaa, waxaana ka baqayaa inaad iga yeeli weyso!” odeygii “Idinka Ilaahay kheyr bay noqon” Miskiinkii “Inshaa’a Allaah waxaan kheyr ahayn kuuma wado!” Odeygii oo yaaban “Haye, muxuu ahaa qorshuhu?!” Miskiinkii oo indhaha hoos u rogay, “Aabbow aniga waxaan damcay guriga inaan idinka gato…”intuusan dhameyn baa odeygii sara kacay oo yiri “War maxaad igula hadleysaa? Guriga sow anigu kuma nooli oo ma deggani?! Side baad iila hadleysaana!..”Maskiinkii baa madaxa ka shumiyay oo fadhigiisii ku celiyay “Waqti yar i sii aan kugu sharxo qorshaha, guriga aa iga gadeysaa, adinkana guriga aan dabaq idin saaraa oo aan idin dhisaa!” Hadana odaygii iyo xaaskiisii waxay isku raaceen in laga iibiyo qaybta guriga dusha sarana ay iyaga loo dhiso.
Muddo markii la joogay baa ninkii adeegaha ahaa oo xoolihiisii aad u bateen oo taajiray, oo la bartay, oo meel kasta loo sara kacayo, baa odeygii guri lahaa arkay, walbahaar iyo walaac buu bilaabay, khaladaadkiisii buu malaha gartay, hasa ahaatee haddana wuxuu isku qanciyaa inuu guriga isagu leeyahay oo loo yaqaan!…hadana kuma qanco oo wuu shakiyaa markaas buu kor u qeyliyaa isagoo naftiisa is maqashiinaya “Wallaahay gurigaan anigaa iska leh! Anigaa iska leh!” Miskiinkii wuxuu u baahday meel uu alaabta iyo badeecadda ku keydiyo, markaasuu u yimid odaygii guriga lahaan jiray oo ku yiri “Waxaan doonayaa inaad qaybta kore ee guriga ii banaysaan maxaa yeelay alaab aad u badan baa iga dayacan oo meel aan dhigo aan la’ahay.” Odaygii guriga lahaan jiray oo sida hadalkiisa ka muuqatay wali isu haysta inuu guriga isaga leeyahay baa si caro iyo xanaaq ku jiro u yiri “War sidee baad iila hadlaysaana?! Oo xaggee baan aadayaa ma guri kale baan leeyahay?! War gurigayga hadda iiga guur!” adeegihii wuxuu oo markaan miciyihii libaax la soo baxay baa ku dooday “Aniga guriga waad iga gadeen, dhulka iyo qaybta hoose ee guriga anigaa iska leh ,qaybta korana haddaad rabtaan fujista….” Sidaas ayuuna adeegihii ku dhaxlay gurigii reerkii uu u shaqayniyay!
Isu ekaa arrimuhu, intaas dhallin-yarada Soomaaliyeed sidaas waa ka fiidhoonaan jireen! In wax weyn khaldanyihiin waxaad ka garaneysaa meelo badan oo dalka ka mid ah waxaad arkeysaa haween iyo gabdho yaryar oo ka cabanaya dhaqan xumo isa soo tareysa oo ay kala kulmeen Orommada faraha badan ee dalkii iska soo galay, waxaad arkeysaa dumar badan oo soo adeegan waayay, haddana aysan jirin cid ka hoos qaadeysaa cabashadooda!…
Awoowayaasheen xaaladdooda nololeed, aqooneed, siyaasadeed, iyo cududoodaba waan garanaynaa intay la ekeyd, haddana marka la eego dhaxalka ay ka tageen oo ay inoo dhaafeen waxaa muuqanaysa inay waxyaabo badan inoo hureen oo ay ugu horeyso naftooda si ay dhaxal fiican innooga dhaafaan, marka sida muuqata dhallin-yarad maanta joogta waajibka saaran wuxuu ahaa inay ilaaliyaan dhaxalkaas qiimaha badan ee ka kooban madax-bannaanida, qaranimmada iyo dowladnimmada iyo dalka aad leedahay ee aad ku nooshahay. Wax sahal lagu helay ma aha, wax cidina kuu quurto ma aha, mana jirta cid ku siisay oo hadiyad ahaan kuu guddoonsiisay balse haddaaba cadow faro badan isu soo kaashaday inuu gacntaada xoog uga saaro!…. Waa miskiin tuugsada! Saa waa yahay! Taasi ma waxay daliil kugu noqoneysaa adigoo casrigaan nool inuusan sir-doon ahayn?! Ma waxay daliil kugu noqoneysaa inuusan danta cadowga wakiil ka ahayn?!… Indhihii dadka iyo dalka baad tahay! Xooggii dadka iyo dalka baad tahay! Dhallin-yaradii dalka baad tahay!…
La Soco Beri
You must be logged in to post a comment.