SSC-Khaatumo: Waxaan hub ka dhigis ku samaynay Ciidamadii Somaliland

Madaxweynaha dowladda SSC-Khaatumo mudane Cabdulqaadir Firdhiye ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulkiisu Hubka dhigis caadi ah ku sameeyay Ciidamada Somaliland.

“Hub la dhigis ama dab ka dhigis baan ku samaynay maleeshiyaadkii Somaliland waxaana u mahadcelinayaa ciidamada SSC oo sacabooley ka dhigay maleeshiyaadkas Muuse Biixi” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Firdhiye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Somaliland si ba’aan loogu jebiyay dagaalkii 25-ka bishaan dhacay islamarkaana laga qabtay maxaabiistii ugu badnayd lagana saaray dhulka SSC.

“Somaliland waxaan ka qabanay, 218 Maxbuus oo aan dhaawac qabin iyo 42 Maxbuus oo dhaawac ah, taas oo tirada guud ee maxaabiista ah 260 Askari ilaahadda, Maxaabiista waxa ku jira saraakiil ah dambiilayaal dagaal ah, gacanta ayaan ku haynaa Hay’addii xaqqa u lahaa ayana u gudbinay” ayuu sii raaciyay Firdhiye.

Madaxweynaha dowladda SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada SSC aysan weerarin dad shacab ah balse keliya la dagaallameen ciidamada Somaliland ee dul fadhiyay Laascaanood”Luuqadii uu yaqaanay ee uu rabay Muuse Biixi ayaan kula hadalnay 25kii August, maleeshiyaadkiisii ayaana anigu abaalkooda marinay shacab ma aanan weerarin”.

PUNTLAND POST