Maamulka SSC-Khaatumo oo warbixin ka soo saaray xaaladda maxaabiistii laga qabtay Somaliland

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda maxaabiistii laga qabtay ciidamada Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu xaqiijiyay in maxbuus Gen. Faysal Cabdi Bootaan loo wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

“Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu xaqiijinayaa in maxbuus Faysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo kaddibna la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan maxaabiistii kale ay bed-qabaan islamarkaana la geeyay xabsiyada Laascaanood halka kuwa dhaawacan lagu dabiibayo isbitaallada kala duwa.

“Maamulka waxa uu sidoo kale sugayaa in dhammaan maxaabiistii kale inta bad qabta la geeyey xabsiyada magaalada, kuwa dhawaaca ahna lagu daaweenayo cisbitaalada” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka.

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka u sheegay in uu ilaalin doono xuquuqda maxaabiista sida ay qabaan diinta Islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed iyo qawaaniinta caalamiga ah.

PUNTLAND POST