Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in ganacsiga Boosaaso uu qarka u saaran yahay in uu xirmo kadib markii ay ganacsatada hanjabaado u jeediyeen kooxaha Argagixisada ah.
“Waxaa nasiib darro aad u weyn ah in Ganacsigii waddanka uu qarka u saaran yahay in uu wada xirmo, iyada oo shirkadaha qaar ee ku yaala xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ee Boosaaso ay u xiranyhiin hanjaabaadyo uga imaanaya Ururada Argagixisada ah” ayuu yiri Xasan Abgaal.
Ex. Wasiir Xasan Shire ayaa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni ku eedeeyay in ay ku fashilantay sugidda Amniga shacabka canshuur-bixiyaasha ah ee Boosaaso”Waxaa meesh ka baxay Dowladdii canshuurta qaadaysay iyo Laamhii Amniga ee loo xil saaray Ilaalita nafta iyo maalka Shacabka Puntland, taas oo ay sabateeda leedahay Xukuumadda wakhtigu ka sii dhammaanayo oo gabtay in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka”.
Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay wajahayso xaalad hubanti la’aan ah oo isa saaran, Amnigii oo maraya meel khatar ah oo noloshii dadka iyo ganacsigii oo qiil qiil galay iyo Ciidankii iyo Shaqaalhii oo aan in muddo ah wax xuquuq ah aan qaadan.
“Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa Shacabka Reer Puntland, Isimada Dhaqanka iyo Siyaasiinta Reer Puntland in muddada 4 bil ah ee Xukuumaddan u hartay aan dalka lagu fiirsan karin oo uu dalku nooga baahany yahay samata bixin deg-deg ah, iyada oo aan u jeedno daruufaha aadka u adag ee Amni, dhaqaalo xumo iyo hubanti la’aan ee uu wajahayo Dalku” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.