Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 4aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

Dalka inuu Dumo waxaa ka Daran Dadkiisa oo Doqomooba!


Waxaa muhiima marka aynu ka hadleyno xilka iyo waajibaadka dhallin-yarrada ka saaran dalkeena burburay inaynu fahamno dabeecadaha iyo khataraha inooga soo wajahan dalalka aynu deriska nahay ee waliba marar badan aan maqleyno handdadaad iyo damaca waalan ee kaga jira dalkeena guud ahaan ama qeybo ka mid ah, waxaa kaloo muhiim ah inaynu fiirino, xaaladaha gadaal ka riixaya ama keenaya dammacaas iyo haddii aan qeyb ka nahay xaalladahaas. Mid waan garan karnaa Labada dal ee aan ood wadaagta nahay labadaba waxay khatar ku yihiin dalka Soomaaliya siiba waqtigaan hadda la joogo oo dalkii intuu burburay siyaasiyiin faro badan oo aan xil-kas ahayn ama dhab ahaantii KHaa’inul-Wadhan u badan ay taladii ummadda gacantoodii gashay, marka aan sidaas leennahay waxaa tusaale kugu fillan oo daliil cad u ah sida aysan u kala jecleyn shisheeyaha dalka iska soo galay oo aysan marna uga hadleyn, sida aysan wax xanuun ah ama culeys ah ugu heyn kumanaanka qof ee  maalin kasta ka soo tallaabaya xudduudaha Itoobiya, sida ay dekadahii iyo xeebaha dalka ugu hibeynayaan dalal shisheeye (ma siin karaan oo dalka dadkii lahaa baa u jooga, laakiin waxay ku tusaysaa dimmad la’aantooda, iyo dhagarta ay dalka ka galeen.)

Waa Yaab mana yara! Waxaa wax laga argagaxo ah dhallin yaro dalkooda sida uu u baab’asanyahay arka, oo hubaal ay tahay inay ka wada danqanayaan oo aan haddana wax talo ah ka lahayn, oo aan wax dhaqdhaqaaq ah iyo wax xiriir ah aan lahayn. Dantu waa talo, dalku waa dad, dudmmada iyo in la kala irdhoobo waxay wax tareysaa cadowga inoo soo tashaday (guud ahaan waxa isugu yeera Beesha Caalamka, gaar ahaa dalalka Itoobiya, iyo Kenya oo uu Ismaaciil Cumar Geelle la socdo). Dabeecadaha iyo nidaamyada siyaasadeed ee dadyowga dalalka deriska inala ah waa kuwa aad uga duwan kuwa mujtamaceena Soomaaliga ah. Kala duwanaanta ugu weyn waxay ka imaanaysaa dalalkaas waa dalal shacabkooda ama dadkoodu gumeystihii la soo dhaqmay haddii ay tahay mid uu guumeystay ama mid uu la sameystay xiriir uusan dhaqankiisu ka marneyn gumeysi rumeysanna inaan la gumeysan iyadoo waliba gacanta biisha ay tahay gumeystayaashii qaaradda soo galay ee guumeystay, taasi macnaheeda waxaa weeye in mujtamacyada dalalkaas iyo siyaasiyiintooda aysan kala qaloon, isl markaasna aysan ku dhibsan waxyaabo badan oo innaga siyaasigeena iyo mujtamac ahaan aan ku geysano ama ku dhibsano, sidaa daraaddeed ayeey dalalkaas iyo gumeystuhu, ama magaca cusub waxa Beesha Caalamka isugu yeera ay saykoloji ahaan ka dhaadhacsantahay inay isaga kaaya dhowyihiin, waxaana taas sii xoojinaya waxyaabo badan oo aan innagu gaar uga nahay oo ay iyagu wadagaan baa jira sida Diinta.

Marka dabeecadda guud ee siyaasadeed ee dalalkaas ay sidaas tahay waad garaneysaa sida aysan u sahlaneyn waxa laga filan karo inaan garano… maxaa yeelay waxyaabaha inooga immaan kara waa waxyaabo badan oo ay la wadaagaan dalalka ay sidaas isugu daabanyihiin. Marka haddii ay sidaas tahay, sidee bay suuro gal ku noqoneysaa in xudduudaha dalka u furnaadaan kumanaanka qof ee maalin kasta ka soo talaabaya xuddudaha Itoobiya?! Kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay u socdaan, waxa ay yihiin, caafimaadkooda, ma askar hubeysan baa? Bal adigu ka waran mas’uuliyad darradaas! Intaas dhallinta Soomaaliyeed waligeed waa ka garasho dheereyd! Tani doqonimo laguma tilmaami karo… Dalka inuu dumo waxaa ka daran dadkiisa oo doqomooba! Waxaa loo baahanyahay dhallin-yarrada xataa haddii aysan sidii ay rabeen wax u qaban kareyn in mar kasta mujtamaca feejignaan geliyaan, oo dareenka iyo dhiillada u muuqata ay ku baraarujiyaan…

Waa ay wanaagsantahay in dalalka deriska ah lagula dhaqmo siyaasad nabad gelyo iyo saaxiibnimo, waxaanse meesha laga saari kareyn shardiga ah inuu jiro xiriir midkaas la mid ah oo dhankooda laga helo. Dabeecadaha dalalka aan deriska nahay iyo dhaqanka ay leeyihiin guud ahaan waa mid aad uga duwan midkeenna, tusaale ahaan labada mujtamaca ee Itoobiya iyo Kenya waxaan innaga ugu qiimeysannahay waxa ay innagu qiimeeyaan gumeystayaashii aan la dagaallanay ee aan dalkeena ka saarnay, wax kasta oo heshiis ama cahdi ah oo aan la galnana waxaa ay ku miismayaan aragtida ay dalalkaas guud ahaan inanga qabaan, sidaas daraadeed heshiis kasta ama ballan kasta oo ina dhex marta ma aha mid ay u qiimeyniyaan si madax bannaan, mana aha mid laysku haleyn karo!…tusaalaha kale ee muhiimka ah ee sida cad kuu tusaya kala duwanaanta dhaqanka siyaasadeed ee innaga iyo dalalka aan deriska nahay waxaa ka mid ah Soomaaliya waxay si bareer ah oo heer dowladeed ah u taageeri jirtay dhammaan gobonimo doonkii Afrika, oo xataa dalalka qaarkood ay u taba baraysay ciidamo hasa yeeshee iyagu hab dhaqanka siyaasadeed ee noocaas ah ma laha, waase laga yaabaa inay khubaro dalalkooda u dhashay oo si shakhsi oo iskood ah gacan u siin jireen gobanimo doonka dalalkii Afrikaanka ahaa ee la gumeysanayay!…middaas waxay ku tuseysaa farqiga u dhexeeya dabeecadaheena siyaasadeed iyaga iyo inanga!..

Marka dhibaatada u weyn ee dalka heysata waxay tahay in dhallin-yarradii ay kaalinteedii siyaasadeed gabtay, iyo xataa noloshii mujtamac doorkii ay ku lahaayeen, waxaana soo baxay dayac dhan kasta ah oo dalkii siyaasad ahaan iyo nolol ahaan saameeyay, waliba intaas kuma eka ee markii ay kaalintoodii baneeyeen ayeey hadana qaarkood nolol iyo magac ka raadiyaan u adeegidda shisheeyaha, wax badan oo dhibaato ah oo shisheeyaha dalka iska soo galay uu u geysto nolosha iyo dhaqanka dalka waxaa sabab u ah xogo ay bixiyaan dhallin-yarrada noocaas ah, oo iyagu badankood iska sheekeeya iyaga oo aan ogeyn khataraha xogaha ay bixinayaan… Wax iyadana xasuusin mudan, in maanka lagu hayo shisheeyaha joogitaankiisa dalka isagoo aan hoos immaaneyn mus’uuliyad qaynuun ah oo uu maamulka ogyahay waxay khatar iyo wax yeelo ku tahay marka laga soo tago amniga guud ahaan dhaqanka iyo qaab nololeedka bulshada, waxayna irridaha u fureysaa ama soo jiidaneysaa khataro kale oo ay iyagu marti gelinayaan! Waxaa intaas dheer waxay meel ka dhac iyo qiimo jab ku tahay dadka iyo dalka!…Yaa mali jirayeey bay taagantahay?!…sheeko kasta oo lala yeesho ajnabiga dalkii soo buuxiyay macnaheeda waxaa weeye sir qaran oo baxday!… Nin diplomats shisheeye ah baa xaafadaha iska wareegaya, odey dhaqammeed isaga tegaya, iskuul iska dhex gelaya, ilmo yar-yar u sheekeynaya ama la ciyaaraya!….KHatar!…KHatar!…dhallin-yardu waa inay ku dhex dhacaan oo ay weydiiyaan wuxuu yahay iyo wuxuu ku joogo, ee ma aha inta kursi loo dhigo in shaah la siiyo!…. Dhallin-yarradu waa inay qaadataa kaalin kasta oo ah ilaallinta dadkooda iyo dalkooda, marka lagu daro sida xaalka dalka maanta yahayna ka hadalba ma lahan!

La Soco Beri