Madaxii Kooxda Wagner ee dalka Ruushka oo shil diyaaradeed ku dhintay

Madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa maanta oo Arbaco ku dhintay shil diyaaradeed ka dhacay waddanka Ruushka.

Diyaarad ka kacday magaalada Moscow una socotay St. Petersburg ayaa burbrurtay, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee saarnaa, sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Tass oo soo xiganaysay saraakiisha gurmadka ayaa  dhankeeda sheegtay in diyaaradda ay la socdeen saddex duuliye iyo toddoba rakaab ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan burburka diyaaradda oo ka dhacay gobolka Tver oo ilaa 100KMs dhinaca Waqooyi ka xiga Moscow.

PUNTLAND POST