Guutada Duufaan ee Ciidamada SSC oo ka hadashay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada

Guutada Duufaan oo kamid ah ciidamada SSC-khaatumo ayaa war rasmi ah ka soo saaray rag ka hadlay muuqaal ku faafiyay baraha bulshada islamarkaana sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidanka  Duufaan.

Qoraal ka soo baxay Taliska guutada Duufaan ayaa lagu sheegay in kooxda hadashay ay yihiin 4 nin oo laga ruqseeyay ciidanka sidaas darteedna wax walba oo ay ku hadlaan aysan ku matalin Duufaan.

“Waxaan xaqijinaynaa in ragaasi aysan ka Tirsanayn ciidanka Guutada Duufaan, ayna yihin 4 nin oo laga ruqseeyay ciidanka, wax walba oo ay ku hadlana aysan ku matalin ciidanka Guutada Duufaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Waxaa arinta ka shaqaynaya kooxo aan jeclayn in Somaliland laga saaro Gobalka sool, kooxo an jeclayn in ciidanka Duufan ay qayb ka ahaadan halganka SSC, waxaa arinta ka shaqaynaya kooxo u adeegaya Somaliland oo ka shaqaynaya munaafaqad iyo colaad in la dhex dhigo harti oo maanta mid ah Hal cadowna leh oo ah Somaliland” ayuu sii raaciyay Qoraalkaas.

PUNTLAND POST