Gen. Sheegow oo la qabtay iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Booliska Milataaro iyo kuwa ka tirsan NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Generaal Sheegow Axmed Cali, kaddib dagaal ilaa xalay ka socday degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay qabashada Generaal Sheegow iyo 18 ka mid ah ciidamadii uu hoggaaminayay.

Doodishe ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo askri oo ka tirsan ciidamadii taageersanaa Sheegow, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 askri oo hadda lagu dabiibayo isbitaaladda Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in Sheegow ahaa Kabtan hore uga tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse markii dambe laga ruqseeyay.

Dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda kuwii taageersanaa Generaal Sheegow oo saameeyay magaalada Muqdisho ayaa hakad geliyay duullimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

PUNTLAND POST