Baaq ku socda Madaxwayne Deni oo la xiriira xaaladda Gaalkacyo

W/Q: Qareen Cabdiqani Sh. Jaamac Maxamuud (Cirguje)

Maqaasidda shareecada Islaamka waxaa ugu horeeya ilaalinta nafta. Hadaba, in la ilaaliyo nolosha muwaadiniinta reer Puntland waa waajib diineed waana dastuuri. Qodobka 18aad (1) ee Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu leeyaha qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyey xukun maxkamadeed oo kama dambays ah. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah Dawladda Puntland in ay ilaaliso nolosha muwaadineenteeda ayna ka hortagto qudh goyn kasta oo sharciga khilaafsan. Dastuurka Puntland qodobkiisa 18aad wuxuu damaanad qaadayaa xaqa nolosha, nabadgelyada iyo bad qabka jirka, sidoo kale wuxuu mamnuucayaa dilka marka laga reebo fulinta xukun maxkamadeed oo keliya. Dawladdu maxay muwaadininteeda ugu ilaalin la’dahay xaqaan datuurigaa? Mise qabiil waliba isagaa isku dawlad ah oo rabitaanka qabiilka dawladdu ma xakamay karto miyaa?

Sanadihii la soo dhaafay reer Gaalkacyo waxay ka raysteen madax jabiskii iyo ficiladii guracnaa ee ay Al-shabaab ku haysay, nasiib daro se waxaa badelay caadaysiga dhiig xaq daro lagu daadinayo ee ku salaysan aargoosashada arxanka daran iyo aanooyin qabiil oo irdaha soo jabsaday kuwaas oo u dhexeeya beelaha walaalahaa ee Gaalkacyo wada daga.

Dhacdooyinkan la xiriira aargoosiga qabiilka aad ayey isku soo tarayaan waayadaan dambe ilaa xad beelihii walaalaha ahaa kala irdhoobeen oo isu socodkii bulshadu yaraaday casar dheerana nin waliba gurigiisa hoosta ka xirto, caways iyo haasaawe dumarna warkiisaba daa. Dhacdadii ugu dambaysay waxay dhacday taariikhdu markii ay ahayd 14-08-2023.

Waxaad moodaa xiisaddan Gaalkacyo ka taagan in masuuliyiintii dawladda ee loo igmaday ilaalinta karaamadda iyo nolosha shacabka reer Puntland ay sheedda ka daawanayaan. Waxaa si joogta ah loo qurgoynayaa dad aan waxba galabsan oo dawladdii masuulka ka ahayd aad moodid in ay qabiilada ku halaynayso ayna leedahay iyaga ha heshiiyeen! Su’aashu waxay tahay qofka Puntlander ka ah ma dawladda Puntland baa masuul ka ah oo uu ximaayadeeda ku hoos jiraa mise qabiilka uu ka dhashay?

Ilaahay wuxuu Suuratu Al-Nisaa Aayadda 114aad ku sheegay in faqa intiisa badan uusan khayr lahayn marka laga reebo 3 mooyaane:
1. Is faridda sadaqada
2. Ama mid macruuf iyo wanaag la isku farayo
3. Iyo mid Sulux ah oo lagu dhexdhexaadinayo cid khilaaf ama colaad ka dhexeyso.

Gaalkacyo waxa ka socda maxaa sulux loogu dhamayn waayay oo beelahaas walaalahaa nabad loo kala dhexdhigi waayay? Mudane Madaxwayne waa waajib dastuuri ah iyo masuuliyad si gaara ah kuu taabanaysa kala dhexgalidda beelahaas sida foosha xun baryahaan dambe isku ugaarsanaya iyo si guud xasilinta magaalada Gaalkacyo. Mudane Madaxwayne Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jirto; arinta Gaalkacyo ka taagan inaad wax ka qabato waa wixii laguu igmaday, bulshada reer Mudugna ay codka ugu badan Xisbigaaga u siiyeen.

Mudane Madaxwayne goortii aad shacabka Gaalkacyo codka ka rabtay oo aad ololaha siyaasadeed (Political Campaign) ku jirtayba waad tagtay oo in muddo ah ayaad fadhiday magaalada Gaalkacyo; maanta oo shacabkii aad codkooda raadinaysay (Sida xooganna Xisbigaaga u soo saaray) dhiigoodu macno la’aan ku daadanayo maxaa kuu diiday inaad Gaalkacyo tagto oo aad xiisadda beelahaas waalaahaa ka taagan Sulux iyo heshiis ku soo dabaasho, xasilinta iyo nabadgelyadii magaaladana dib u soo celiso.

Madaxwayne libinta is raacso reer Gaalkacyo abaal wayn bay kuu hayaan oo intii xukuumadaadu jirtay waxa ay ka soo doogeen ama ay ka raysteen mushkiladii ay Al-shabaab gobalka ku haysay, maantana tii oo kale ayaa taagan oo u baahan in si degdeg ah loo soo afjaro.

Maxaa ka dhashay xiisadda colaadeed ee Gaalkacyo?

Colaadda beelaha walaahaa ka dhexaysa waxay dhaxalsiisay shacab waynihii Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ku noolaa arimahaan soo socda:

1. Kala danbayntii iyo sharcigii oo meesha ka baxay, qof kastana uu sharciga gacantiisa ku qaatay.

2. Sugidda nabadgelyada iyo amnigii guud oo lumay taasoo wehelyoow iyo walaac xooggan bulshada ku reebtay.

3. Qabiiladii walaalaha ahaa ee gobolka wada degi jiray oo kala irdhoobay colaadduna kala fogaysay, iyo sidoo kale haldoorkii gobalka oo qaarkood gobola kale u qaxeen halkaas oo ay amni bideen.

4. Goobihii cawayska iyo fagaarayaashii dhalinyaradu ku haasaawi jirtay oo laga wada fiigay, iyo is aaminaadii dhalinyarada oo wiiqantay.

5. Wada shaqayntii bulshada iyo dawladda oo fara ka baxday iyo laamihii cadaalada oo laga aamin baxay, nin walibana uu qorigiisa cadaalad biday!

6. Suuqyadii shaqada oo aad looga dareemay kala irdhawga bulshada walaalahaa iyo in raggii ganacsatada ahaa goobihii shaqada ka fiigeen, sidoo kale shaqaalihii hay’adaha, dawladda ama shirkadaha oo naftoodii ku aamini waayay in ay xafiiskooda shaqo si joogta ah u xaadiraan. Arintaan waxa ay aad u saamaysay nolosha iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada.

Gafafka magaca qabiilka lagu gaystay

Dad yar oo wax magarato una badan, ahna jiri balwadda daroogada ay had iyo jeer ku hagoogaan ay maankooda gaday ayaa haldoorkii bulshada Magaalada Gaalkacyo ugaarsanaya iyaga oo keliya dembi uga dhigaya inuu reer Hebal yahay, taa micneheedu waxa weeye haldoorka iyo labeenta bulshada reer Gaalkacyo waxaa lagu laynayaa maxaa reer Hebel Ilaahay kaaga dhaliyay! Taasoo baal marsan Shareecadda Islaamka iyo Qawaaniinta ama Xeerarka inoo degsan. Jirridu (Maafiyada qabiilka wax u laysa) waxay caadaysteen ku xadgudubka Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka sida soo socota:

1. Aayadaha 92-93 ee Suuratu Al-Nisaa oo xarimaya dilka xaqdaradaa ee la caadaystay, sidoo kale ka digaya cirib danbeedka iyo waxyaabaha ka dhasha dilka camdigaa.

2. Aayadda 18aad ee Suuratu Al-Fadhir oo ina faraysa in aan qofna qofka kale dembigiisa xambaarayn oo uu qof walba ka masuul yahay wuxuu gaystay, dembi uu qof gaystay looma ciqaabi karo qof kale aduun. Qabiilku xaqiiqatan aayadaan kama dhaadhacsana oo wuxuu aaminsanyaha masuuliyad wadareed (Collective Liability) ayna kaga fal celiyaan ciqaab wadareed (Collective Punishment). Xeerka qabiilku cadaalad kuma dhisna ee ilaalinta maslaxadda qabiilka ayuu xoogga saaraa, oday dhaqameedyada ama kaabe qabiiladu ma ilaaliyaan sharciga iyo cadaaladda ee waxa keliya ay ilaaliyaan waa kala dambaynta (Order).

3. Jabinta ama ku xadgudubka Dastuurka Puntland qodobkiisa 18aad oo damaanad qaadaya xaqa nolosha, nabadgelyada iyo bad qabka jirkiiska, sidoo kale wuxuu mamnuucayaa dilka marka laga reebo fulinta xukun maxkamadeed oo keliya.

4. Waxaa la caadaystay dilka qof bari’ (innocent) ah oo hadana qofkii falkaa gaystay qabiil looga haray oo aan cadaaladda la marsiin, waana dembi wayn oo dembiilaha jisadiisu noqonayso in tiirka la geeyo sida ku cad qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (1962).

5. Waxaa kale oo lagu xadgudbay qodobo kale oo badan oo ay ka mid yihiin qodobada 440, 441 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo IWM.

Talo soo jeedin

Marka koobaad waa masuuliyad wadareed u taala dawladda, aqoonyahanka, oday dhaqameedka, culimadda iyo dhalinyaradda in ay u istaagaan joojinta dhiiga macna la’aanta ku daadanaya iskana qabtaan maafiyada beelaha walaalahaa madaxa isku galinaysa iyo cidkasta oo qayb ka ah hurinta colaadaan.
Waxa aan talo ahaan u soo jeedin lahaa in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobadaan soo socda:

1. In Madaxwaynaha Puntland uu Gaalkacyo tago oo uu iskugu yeero beelaha walaalahaa ee colaaddu ka dhaxayso garwadeenna uu ka noqdo nabadayn iyo sulux ka dhex dhaca beelahaas ood wadaagaa, sidoo kale uu ku adkeeyo oday dhaqameedka beelahaas in colaadda si degdeg ah loo soo afjaro oo ay beeluhu heshiis rasmi ah wada gaaraan. Madaxwayne waa waajib ku saaran in aad samayso wax kasta oo aad ku soo afjari karto colaadda Gaalkacyo. Madaxwaynaha Puntland waxaan mar labaad cod dheer ugu baaqayaa in uu Gaalkacyo tago oo uu wax ka qabto xaaladaan soo noqnoqotay cadaadisna uu saaro oday dhaqameedka beelaha dirirtu ka dhaxayso maadaama ay ku fashilmeen soo afjaridda colaaddaas, isaga oo dabaqaya hannaanka suluxa ee ku xusan qodobka 108aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

2. In oday dhaqameedka Puntland gaar ahaan kuwa gobalka Mudug ay ku midoobaan xillinta colaadda sii fidaysa ee marba marka ka dambaysa ka sii daraysa, nabadgelyadii gobolka oo dhana saamaysay. Waa in ay hoggaan dhaqameedka beelahaasi ku dhiiradaan sidii nabad waarta loo gaari lahaa, heshiis iyo is fahan sulux ku dhisanna loo wada gaaro sida uu farayo ama ku xusan qodabka 108aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

3. Waa in jirrida/maafiyada dadka aan waxba galabsan kibirka ku laynaysa la soo afjaraa oo go’aan kama dambays ah laga gaaraa iskumeelna looga soo wada jeensadaa. Xalka ugu fiicanna waa in tiirka la geeyaa oo la eedsiiyaa qudhii madluumka ahayd ee uu kibirka ku gooyay, sidaas ayay diinta Islaamku xalka waara u aragtaa waana sababta loo yiri qisaasta nolol baa idiin ku jirta sida Allah SWT ku yiri Suuratu Al-Baqra Aayadda 179.

4. In ay dhalinyarada gobolku dulmiga ka dhiidhiyaan, kuna dhiiradaan sidii ay colaadda qabiilada banaanka uga istaagi lahaayeen oo ay sharciga u hiiliyaan, sidoo kale in ay calanka cad u qaataan sidii ay colaadda gobolka u soo afmeeri lahaayeen iyaga oo sulux iyo dib-u-heshiisiin u maraya, in aysan mar dambe soo noqon ku dadaalaya.

5. Dawladdu waxa ay leedaha awooda muquuninta sharciyeysan (Coercive Legitimate Power), waa in ay adeegsataa oo ku dadaashaa in sharciga loo hogaansamo ku dhaqanka sharcigana kor loo qaadaa (Rule of Law). Sidoo kale dawladdu waa in ay ka hortagtaa ficilada noocaan oo kalaa ee dhaawacaya amniga iyo nabadgelyada guud.

Ugu dambayn waxaan leeyahay war toloow colka jooji.

Mudane Madaxwayne xaaladda Gaalkacyo hoos u eeg.

Wabilaahi Tawfiiq

W/Q: Qareen Cabdiqani Sh. Jaamac Maxamuud (Cirguje), Jooga Garowe
Cirguje4545@gmail.com