Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Villa Somalia

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii uu dhawaan is casilay Agaasimihii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Cabdixakiin Maxamed Yuusuf, sida ku cad Qoraal lagu daabacay Villa Somalia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada uu hore u ahaa La-Taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaaliya, islamarkaana uu lee yahay khibrad shaqo oo ku aaddan horumarinta Hay’adaha dowladda iyo Maamul-wanaagga, taas oo kor u dhaafaysa 20 sano.

Waxa kale oo uu khibrad shaqo u leeyahay Tayeynta tayeynta Dowlad-Goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo  xuquuqda aadanaha, sida ku xusan Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

“Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo  xuquuqda aadanaha”.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka” ayay sii raacisay Villa Somalia.

PUNTLAND POST