Madasha Siyaasadda Puntland ayaa canbaareysay duqaymaha aan kala sooca lahayn ee weli Somaliland ka waddo Laascaanood.
Madasha ayaa ka tacsiyeeyaysay dilka Abwaan Jaamac Kediye oo kamid noqday dadkii u danbeeyay ee ku dhintay duqaymaha Somaliland.
Madashu waxay ku eedaysay xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Deni in ay mudda dhawr bilood ah dusha ka daawanayso xaaladda ka taagan Laascaanood.
Madasha ayaa sidoo kale dhammaan dadka reer Puntland ugu baaqday inay u dhaqaaqaan sidii Gobolka Sool looga saari lahaa ciidamada soo duuley.
Beesha caalamka ayay sidoo kale ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban gabood-falka Taliska Muuse Biixi ka wado magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.