Wasaaradda Waxabarashada Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay Tacliinta sare ee dalka

Wasaaradda Waxbarashada hiddah iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed waxay la wadaagtay in ardayda ka soo baxda dugsiyada sare ee dalka una gudbiya heerka sare ee Jaamacadaha in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa la wadaagtay Bulshada Soomaaliyeed in laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed,waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah,waa in ay ka mid noqdaan: Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda u ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

PUNTLAND POST