Madaxweynaha Jubaland oo daah-furay shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Maraykanka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida ku daahfuray Shirka Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka.

Shirka oo lagaga hadlayay iskaashiga ganacsi ee Somalia iyo Mareykanka waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Jubbaland, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo tan Jubbaland,

Waxaa dhinaca Dowlada Maraykanka shirka uga qeybgalay Geoffrey Parker oo ah madaxa arrimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha Maraykanka iyo Shai Franklin oo ah wakiil kasocday shirkadaha Maalgashadayaasha Maraykanka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee sare loogu qaadayo Ganacsiga Maraykanka iyo Soomaaliya ka dhexeeya isla markana dardar galin loogu samayn lahaa maalgashiga Maraykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkan u ahmiyada weyn u leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada uu dalkeenu qaniga ku yahay sida Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Kuwo kale.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in ka faa’iidaysiga cimilada dalkeena ay xoojinayso in maalgashi baaxad leh oo dhinaca tamarta ah laga hirgaliyo dalka muhiimad weyna la siiyo awooda tamarta iyo maalgashigeeda si shaqooyinka kale ay u noqdaan Kuwo waxtar leh.

PUNTLAND POST