Xasan Abgaal oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay mushaar la’aanta ciidamada iyo amni-xumada Boosaaso

Wasiir hore Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa xukuumadda madaxweyne Deni ku dhaliilay gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee xannibay isu socodka laamiga dheer.

“Waxaa ayaan darro weyn ah in ciidamadii kala duwanaa ee Dowladda Puntland ay jid gooyo dhigtaan kaantaroolada iyo kastamyada iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan ayna kala jareen isu socodkii ganacsi ee wadanka” ayuu yiri Xasan Abgaal.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay madaxweyne Siciid Deni xaaladda amni ee magaalada Boosaaso ka taagan gaar ahaanna xarumaha ganacsiga Boosaaso ee bunbooyinka lala dhacay taas oo sida uu sheegay aysan cidna wax ka qaban.

“Waxaa kale oo ayaan daro weyn ah in shirkadihii canshuurta laga qaadayey habeen walba mid bunbo lala dhaco taas oo aan wax dan ah uusan ka lahayn madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”

“Isaga oo ku guda jira riwaayadii beenta ahayd oo uu magacaabayo gudiyo aysan jirin sifo sharci ah oo ay leeyihiin dalkana uu ka dhoofo isaga oo aan waxba ka qaban tabashada ciidanka mushahar la’aanta ka cabanaya” ayuu sii raaciyay kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa ugu danbayn ugu baaqay ciidamada kala duwan ee Puntland in ay u dulqaataan wakhtiga yar ee u haray xukuumadda madaxweyne Deni islamarkaana ilaaliyaan amniga dalka”Ugu dambayn waxaan ka codsanaynaa ciidamada Dowladda Puntland in ay u dulqaataan waqtiga yar ee u haray Xukuumadda Said Deni ayna inoo ilaaliyaan Amniga dalka, kaas oo aysan waxba ka galin madaxweynaha wakhtigu ka sii dhamaanayo”.

PUNTLAND POST