War-murtiyeed laga soo saaray shir Maaliyadeed oo Muqdisho lagu qabtay

Shir mudda laba cisho ah u socday Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku soo xirmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka maqnayd Puntland ayaa looga hadlay laguna gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirka ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST