Israa’iil oo diiday ergeyga cusub ee Sacuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta

Israa’iil ayaa maanta oo Axad ah meesha ka saartay in xafiis dublamaasiyadeed uu magaalada Quddus ku yeesho ergayga cusub ee Sucuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta, kaasi oo magacaabistiisu ay ku soo beegantay iyadoo Washington ay isku dayayso in ay xiriir rasmi ah ka dhex abuurto Israa’iil iyo Sacuudiga.

Safiirka Sucuudiga u fadhiya Urdun Nayef Al-Sudairi ayaa Sabtidii kordhiyay meelaha uu ka shaqeyn doono oo ay ku jiri doonto in uu noqonayo ergay qaabilsan Falastiiniyiinta, waxaana qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay safaaradda Sacuudiga ee Cammaan ay ku sheegtay in “Qunsulka guud ee Quddus” ay hadda qeyb ka tahay waajibaadka Al-Sudairi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Eli Cohen oo la hadlay idaacad ku taalla Tel Aviv ayaa sheegay in Al-Sudairi uu noqon karo ergay la kulma wakiilada maamulka Falastiin. Laakin waxa uu sheegay in aysan u oggolaan doonin in ay Sacuudigu furtaan xafiis dublumaasiyadeed oo ku yaalla Quddus.

Israa’iil ayaa u aqqoonsan Quddus in ay tahay caasimaddeeda taasi oo uu sidoo kale 2017-kii aqqoonsatay dowladda Mareykanka, laakin aysan aqqoonsan awoodaha kale ee waaweyn ee dunida.

PUNTLAND POST