Madaxweynaha Puntland oo baaq u jeediyay urur siyaasadeedka Mideeye

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu baaqay urur siyaasadeedka Mideeye in uu dib ugu soo noqdo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo uu dhawaan qaaddacay Mideeye.

Madaxweynaha Puntland oo maanta oo sabti ah hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoontay magaalada Qardho ayaa ku boorriyay urur siyaasadeedka Mideeye in aysan ka baaqsan barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan.

“Halkan waxaan baaq uga dirayaa Xisbiga Mideeye inaga oo sagaal ah ayaan galney doorashadii goloyaasha deegaanka, Mideeye waad naga guuleystateen ee ku soo noqda doorashooyinka oo haka biqina” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in xalka keliya ee Puntland uu yahay in la dhammaystiro hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan ee qof iyo cod waxaana uu ku dhaartay in uu ka shaqaynayo doorasho hufan oo aan ku shubasho lahayn.

“In la is doorto waxay kor u qaadeysaa fahamka dowladnimada, danteena ayaana ku jirta in aan xoojino nidaamka doorashooyinka ee aan u diyaar garowno doorashooyinka.Hadafkeygu maaha in aan soo noqdo ee waa in barnaamijkan hirgalo” ayuu sii raaciyay.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo uu dhawaan urur siyaasadeedka Mideeye qaaddacay doorashooyinka qof iyo cod ee xukuumadda Puntland waddo islamarkaana uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah.

PUNTLAND POST