Qarax ay ku dhinteen dad rayid ah oo ka dhacay Shabeellada Hoose

Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, 12 kalena way dhaawacmeen kadib markii baabuur ay la socdeen uu qarax qabsaday, gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii maanta oo Arbaco ah waxa xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre.

Baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley.

Dadka saarnaa baabuurka ayaa la sheegayaa inay dhammaantood rayid ahaayeen.

Weli lama soo werin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan sidoo kalena dowladdu kama hadlin.

PUNTLAND POSY