
Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa saaka u fadhida dhegaysiga dacwaddii ay soo gudbiyeen xubno hore looga saaray Baarlamanka Puntland.
Warbaahinta ayaa sida wararku sheegayaan gebi ahaanba laga saaray fadhiga maxkamadda waxaana loo diiday in ay tebiyaan gar-maqalka socda.
Maxkamadda dastuuriga ah ayaa maalin ka hor garyaqaanka guud ee dowladda u gudbisay in uu ka soo jawaabo dacwaddan oo ka dhan ah dowladda.
Xubnaha soo gudbiyay dacwadda ayaa ka cabanaya in sifo sharci-darro ah looga saaray Baarlamanka islamarkaana loo adeegsaday awood dowladeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.