Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Mike Nithavrianakis

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Mike Nithavrianakis ayaa ka wadahadlay la dagaalanka Al-shabaab iyo barnaamijka xasillinta deegaannada laga qabto koodxaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis , oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST